Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala Dareeray.

$
0
0

Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka maanta isugu yimid Xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu kala dareeray, kadib markii Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo lagu waday inay hor-yimaadaan Baarlamaanka ay baaqdeen.

Fadhiga oo ay soo xaadireen illaa 146 Xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad, waxaana markii la guda geli rabay ajandaha shirka oo ahaa su’aalo weydiinta Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ayaa Guddoonka waxaa uu aqriyay warqad codsi ah oo ka timid Wasiirka Amniga oo uu ku cudur daaranayay in aanu maanta imaan karin.

Warqada uu soo diray Wasiirka Amniga ayuu ku dalbaday in wixii ka dambeeya 25-ka bisha loo qabto inuu ku hor-yimaado, iyadoo maalintaas ay ku beegan tahay xilliga uu fasaxa galayo Golaha Baarlamaanka.

Hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka keenay buuq, iyagoo diiday inay guda galaan ajandayaasha kale ee hor-yaala, waxaana ay u muuqdeen kuwo ka careysnaa baaqashada Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoonka inuu balan uga baxay, isla markaana maanta oo taariikhdu aheyd 20-Febraayo ay balantu aheyd in Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska inay hor-yimaadaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyay Xasaanada ay leeyihiin iyo arrimaha Amniga guud ee dalka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ku dooday inuusan furmeyn shirka, illaa ay hor-yimaadaan Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaashiisa, waxaana taasi ay keentay in markii dambe ay ku kala dareeraan.

Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwo u soo diyaar garoobay su’aalo weydiinta Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada, iyadoo kulankii ugu dambeeyay Wasiirka lagu weydiiyay su’aalo dhowr ah oo la xiriiray arrimaha amniga iyo baaritaanka Xildhibaanada ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulamadii hore ee Baarlamaanka ayaa u baaqan jiray kooram la’aan, hase ahaatee kulankan ayaa ahaa mid Xildhibaanada ay ka hor-yimaadeen in la guda galo ajandayaasha kale, maadaama ajandihii ay u yimaadeen oo ahaa su’aalo weydiinta Wasiirka iyo Taliyeyaasha Ciidamada uu baaqday, sidaasna lagu kala dareeray, iyadoo ajande kale la gelin.

Baarlamaanka-soomaaliya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles