Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kastamkii Canshuuraha Ee Degmada Waaciye oo Magaalada Juurile Loosoo Wareejiyey.

$
0
0

Kastamkii Canshuuraha(Kantaroolka) ee Degmada Waaciye ayaa gelinkii dame ee shalay loo soo wareejiyay Magaalada Juurile oo Hoos Timaada isla Degmada Waaciye ee Puntland.

Soo Wareejinta Kastamka ayaa Waxa ka hadlay Maamulka Degmada Waaciye iyo Maamulka Magaalada Juurile,iyagoona isla meel dhigay Saami Qeybsiga Canshuuraha Dowlada ee Gaadiidka Wadada Isticmaala.

Magaalada Juurile ayaa Waxay dhacdaa deegaan Istaraatiiji ah,iyadoona Xuduud la leh Sadex Gobol oo kala Ah Hayland,Karkaar iyo Bari,Waxayna leedahay Wax soosaar dhanka Beeraha Ah.

Dhanka kale waxa iyana Maamulka Degmada Waaciye uu qorshaynayaa in Kastamkii Canshuuraha ee Yaalay Tuulada Alxamdullilaah loo Wareejiyo Tuulada Sheerbi oo iyana Hoos Timaada Degmada Waaciye.

Ugu Damayn Kala Wareejintan Kastamyada Canshuuraha ee degmada Waaciye ayaa waxa korka kala Socda Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Amniga iyo Maaliyada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles