Hogaamiyaha mucaaradka Koofurta Suudaan Riek Machar ayaa sheegay inuusan aaminsaneyn madaxweyne Salva Kiir saacado uun kadib marki loo magacaabay madaxweyne ku xigeen.
Magacaabistan ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay labadan nin ee xafiiltanka ka dhaxeeyo ku kala saxiixdeen dalka Ethiopia bishii August ee sanadki tagay, kaasoo looga gol lahaa in lagu soo dhameeyo dagaalka sokeeye ee wadanka ka holcaya.
Wareysi ay la yeelatay BBC-da qeybta Africa la hadasho ayaa lagu weeydiiyey bal inuu rumeysanyahay madaxweynaha oo uu dagaal dhiig badani ku dadaatay dhex maray.
‘‘ Hagaag, Wax aaminaad ah kuma qabi, waa sidaasi sida aad rabto inay u dhacdo.’’ Ayuu yiri.
Dagaalo sokeeye oo ay kiciyeen Salva Kiir iyo Reik Machar ayaa waxaa uu sababay in ay ku dhintaan kumanaan ruux oo kasoo kala jeedo qabiilada ay u kala dhasheen, waxaa taasi ka dhalatay abaar xun oo ku dhifatay wadankaasi ugu da,da yar aduunyada ee South Sudan.