Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Somaliland oo Sugaysa Amniga Garoomadeeda.

$
0
0

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amaro la xirriira dadka ka dhoofaya garoomada diyaaradaha iyadoo maamulka uu sheegay inay qaaddeen tallaabooyin kor loogu qaadayo amniga garoomada diyaaradaha.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa VOA u sheegay in amaradan ay soo saareen ay ku soo beegmeen xilli xaalad qatar ah ay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo diyaarada Daallo leysku dayay in la qarxiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in aad uga xun yihiin dhibatadaa gaareysa dadka Soomaalida oo uu sheegay in ay yihiin dad ay walaalo yihiin, wuxuuna intaas raaciyay inay ka xun yihiin dhibaatadii ku dhacday diyaarada Daallo Air lines.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) wuxuu sheegay  in si gaar ah ay u soo dhaweynayaan dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca magaaladda Muqdisho.

clm


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles