Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdi uu Hogaaminayo Dr.Gaas oo dalka Ethopia u dhoofay(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u dhoofay Dalka Ethopia iyagoona ka amababaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland Garoowe.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Saadiq Eenow, iyagoona Garoonka Diyaaradaha ee caasimada dawlada Puntlane eemagaalada Garoowe ay ku sagootiyeen Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Dadweyne kale.

”Waxaan saaka u safraya Magaalada Adis-ababa ee Dalka Ethopia oo aan ugu baxayo shaqo yar iyo howlo dowladda Ethpia uga xiran dowladda Ethopia ”Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

IMG_7506

Madaxwayne Gaas ayaa ugu dambeyntiina sheegay in safarkiisu uu qaadan doono muddo labo maalmood ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono dalka,maalmaha uu dalkaasi Ethiopia joogana uu kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa Dalkaasi.

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

7499IMG_7498IMG_7510IMG_7515IMG_7523IMG_7524IMG_7540IMG_7541IMG_7546IMG_7547IMG_7548IMG_7552IMG_7553

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369