Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nickolas Kay Oo Maanta Garoowe Kula Kulmay Isimada Puntland.

$
0
0

Ergayga Gaarka ah ee Xoghataha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nickolos Kay ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland kulan kula leh Isimada iyo Ururada bulshada Raydika ah ee ku sugan deegaamada Puntland.

Kulanka uu Manata la qaatay Kay ayaa waxaa looga hadlay horumarinta Soomaaliya, xiriirka dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, habka loo qayb qaybin karo gobolada Soomaaliya iyo arrinta gobolka Sool oo maamulka Soomaaliland ay soo dhoobeen ciidamo aad u farabadan.

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid Oo maanta warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in isimada iyo Kay ay kawada hadleen heshiiskii dhowaan lagu saxiixay magaalad amuqdisho kaas oo maamul loogu dhisaayo gobolada Mudug iyo Galgaduud taas oo sababtay in Puntland ay xiriirkii wada shaqayneed kala laabato dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ay awal malaynayeen in Kay uu kala hadli doono sidii heshiiskaas oo isagu wax ka saxiixay Puntland looga qancin lahaa laakiin uu u sheegay in heshiiskaan uusan saamaynayn jiritaanka Puntland.

Dhinaca kalena afhayeenka ayaa tilmaamay in Kay ay ugudbiyeen sidii Qaramada Midoobay ay il-gaar ah ugu hayn lahayd xaalada gobolada Sool sanaag iyo Cayn oo ciidanka maamulka Soomaaliland ay mudo sanad o ah kawadaan Xad gudubyo.

key-iyo-isimada


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369