Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

MAXAAD KA TAQAAN CUDURKA EBOLA?.

$
0
0

MAXAAD KA TAQAAN CUDURKA EBOLA?

Ebola waa cudur halis ah kaas oo uu sababo nooc kamida Virusyada, wuxuu sabaab

dhiigbax gudaha iyo dibada.

Markuu cudurku ku faafayo jirka waxuu dhaawacaa difaaca jirka iyo Unugyada. Gabi

ahaanba wuxuu Virusku burburiyaa unugyada xinjireeya dheega taasoo sababta dhiig-bax

aad ufara badan.

Cudurkan loo yaqaano Ebola ama Hemorrhagic fever wxuu dilaa 90% dadka uu kudhaco.

SIDEED KU QAADI KARTAA CUDURKA EBOLA?

Cudurka ebola waa cudur ku faafa taabashada gaar ahaan markaada taabato qof ama

noole kale oo cudurka qaba sida Daanyeerada, cudurka Ebola waxuu u kala gudbaa dadka

si fudud.

Dadka xanaanaynaya qofka u jiran Ebola ama dhakhatiirta ka shaqaynaya bukanada

Ebola ama Qof aasaya maydka qof u dhintay Ebola waa uu qaadi karaa. Dhanka kale

taabashada Irbadaha ama xataa meesha bukaanka Ebola fariisto waa halis in laga qaado.

Cudurka Ebola lagama qaado hawada, biyaha iyo cuntada.Qofka Ebola qaba oon

calaamadaha ka soo bixin ma gudbin karo ama lagama qaadi karo.

CALAMADAHA LAGU GARTO CUDURKA EBOLA.

Marka hore Ebola waa sida Hargabka oo kale ama cudurada kale oo kale. Waxuu

calaamadaha muujiyaa mudo 2 ilaa 21 bari ah markuu kugu dhaco qofka ka dib.

Calaamadaha waxaa ka mida:

• Qandho/xumad daran

• Madax xanuun

• Murqo iyo kala goysyo xanuun

• Dhuun xanuun

• Tabar-daro

• Calool xanuun

• Cuno xumi

Markuu xanuunka Ebola sii daraado waxuu sababaa dhiig bax gudaha sidoo kale in

indhaha, dhagaha iyo sanka dhiig ka imaado, dadka qaar way matagaan, dhiig ayay tufaan,

saxaro dhiig leh ayay dhigaan ama finan ayaa ka soo yaaca.

ISDII LOOGA HORTAGAA EBOLA?

Ma jiro talaal Ebola looga hortago, waxaad uga hor tagi kartaa inaadan tagin dhulka Ebola

saameeya, Shaqaalaha waa inay xirtaan darka daboolan ee ka ilaalinaya taabashada qofka buka.

DAWADA CUDURKA EBOLA.

Cudurka Ebola ma lahan dawo la yaqaano ilaa hada, walaw dhakhaatiirtu ay ku hawlanyihii

dawadiisa. Waxaa jira dawooyin tijaabo ah oo la soo saaray.

XAQIIQADA EBOLA.

Waxaa jira ilaa shan nooc oo Viruska Ebola oo Binu Adanka ku dhaca. Markii ugu horeysay

cudurku waxuu soo muuqday ama soo baxay sanadkii 1976 qaarada Afika. Ebola waxuu magaca

ka helay Wabi u dhaw degaan ka tirsan Jamhuriyada Congo halkaas oo markii ugu horeysay laga

helay cudurka.

By: Abdirahman Mohamed Harun(Harun m Harun).

3996356646116_2440217112294


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles