Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Wafdi Uu Hogaaminayo Ugaas C/laahi Ciise Nuur Oo Maanta Lagu Soo Dhoweeyey Magaalada Garoowe(Sawiro).

$
0
0

Wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Waftigaan oo u badnaa isimo kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo cayn ayaa waxaa Tuulada Buura-wadal uga hortegey madax uu horkacayey Madaxweyne Kuxigeenka dowladda Puntland Eng C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar oo ka koobnaa wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka, kan degmada iyo boqolaal qof oo shacab ah.

Waftigaan ayaa waxaa loo gudbiyey aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu kula kulmay Madaxda dalka oo uu horkacayo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu madaxweynuhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha Ugaaska ee Puntland.

811

Mudane Gaas Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in Imaanshaha Ugaasku ay tusaale u tahay isu soo laabashada shacabka reer Puntland, wuxuuna intaas ku daray in Ugaaska iyo waftigiisu ay ka qayb qaadan doonaan midaynta shacabka reer Puntland iyo soo celinta Gobolada Maqan.

Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa waxa uu sheegay in ay farxad u tahay inuu yimaado magaalada Garoowe oo ay 16 sano ka hor ku dhiseen dowladda Puntland, wuxuuna intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato isu soo celinta Puntland.

Ugaaska ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu ka dhabeeyo bala qaadkiisi ahaa inuu soo celindoono gobolada Maqan isaga iyo xukuumadiisana ay taageero la garab istaagi doonaan.

1 2 3 4 5 6 7  9 10 11 12 13 14

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles