Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa laga hirgaliyay Barnaamij lagu magacaabo Darisaynta xaafladaha.
Barnaamijka ayaa waxaa lagu furay xaafalada Girible B oo ka mid ah 16-ka Xaafadood ee Bosaso,waxaana ka qayb galay Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan,Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo Bulshada xaafahada Girible ku dhaqan.
Guddoomiyaha degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan ayaa sheegay in Barnaamijka ay ugu talagaleen in xaafad waliba ay ku yeelato maamul la shaqeeya maamulka degmada,si laysaga kaashado amniga iyo hormaka xaafadaha.
Barnaamijka ayaa waxaa laga hirgalinayaa dhamaan xaafadaha Bosaso,wuxuuna soo socday muddo laba sano ah.
Xildhibaan Galayr oo ka mid ah Golaha deegaanka Bosaso ayaa sheegay in Barnaamijkan uu hormar kuso kordhinayo Bosaso.
Waa markii ugu horaysay Darisaynta xaafadaha laga hirgaliyo Bosaso.