Waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu xiray Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Maamulkii Tarsan, waxaana la xiray mar qaab wada hadal ah loogu keenay Madaxtooyada Somaliya.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay Axmed Daaci u dirtay ergo soo kaxeeya, oo uu ka mid yahay Madaxa Saadka iyo Sahayda ee Ciidanka Xooga Dalka C/laahi Macalin Nuur, markii Madaxtooyada la keenay waxaa horey ka kaxeystay Ciidamada Dowladda.
Odayaal iyo waxgarad qayb ka ahaa dadaalada Axmed Daaci lagu keenay Madaxtooyada, ayaa waxay ku caroodeen Madaxdii Dowladda, iyagoona ku eedeeyay in ay balanta ku furayn, oo ay kaga baxayn.
Ergada, ayaa waxay Madaxda Dowladda ku dhaliileen haddii ay xirayaan Axmed Daaci, sababta ay markii hore ugu direen, maadaama ay balanqaadeen in waan-waan lagu dhameen doono, dagaalkii aroornimadii hore ee Jimcihii lagu qaaday xubnaha uu ka midka yahay ninkaan.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda, ayaa jirdil u geystay Axmed Daaci, waxayna isla xalay ku xireen xabsiga Godka Jilicow, oo ay xarun ku lee dahay Hay’adda Nabad Suggida.
Waxaa saakay Magaalada Muqdisho laga hadalhayaa in banaanbax ka dhan ah Dowladda, ay qaban qaabinayaan ergadii loo diray Axmed Daaci ee keentay Madaxtooyada.