Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nin Shacab ah oo Magaalada Bosaaso lagu dilay.

$
0
0

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland ayaa nin Askari ah waxa uu kuu dilay nin shacab ah.

Ninka la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa Dareewalada  Gaadiidka ee Gobolada Puntland u kala Goosha,isagoona deegaan ahaan kasoo jeeday Gobolka Nugaal.

Sida Warbaahinta Raadreeb.com xogta ku heshay ayaa Labada nin waxa dhexmaray muran Xoog Leh,iyadoona uu markii dame Askarigu rasaas ku furay Marxuumka Dareewalka ahaa ee Geeriyooday.

Sida aanu xogta ku helayno Askariga ah  dilka Geystay ayaa la qabtay,iyadoona lagu xirey Xarunta Qeybta Booliiska Gobolka Bari.

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland ayaa Sanooyinkii dame waxa ay ka nasatay dilal bilaa Micne u dhaca,iyadoona arintaasi Go.aan Adag ka qaateen dadka Deegaanka oo ah dad nabada iyo Horumarka ku Caan Ah.

Booliska-Bosaaso1

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369