Degmada cusub ee Saaxo oo si buuxda uga mid noqotay gobolka Mudug.
Qoraal kasoo baxay Xaafiiska Madaxweynaha dowlada Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali.(Gaas) ayaa loogu magacaabay degmada cusub ee kusoo korartay gobolk Mudug ee Puntland, kadib markii ay golaha wasiirada dowlada Puntland falanqeyn iyo ka doodi weyn ka yesheen ansixinta degmada cusub ee kusoo korartay gobolka Mudug.
Degmadaan cusub ee Saaxo ayaa 70-KM kaga beegan dhinaca koonfureed xarunta gobolka mudug ee Galkacyo, waxaana dowlada ay hoosta ka xariiqaday in degmadaasi iyo dadka ku noolba ay si buuxda uga mid yihiin dhul iyo deegaanba Puntland, ayna ka taliso Dawladda Puntland.
Gobolka Mudug ayaa deegaan ahaan ka koobaan Gaalkacyo Xarfo.Goldogob,Jariiban,Towfiiq iyo Saaxo oo intuba ay si buuxda gacanta ugu hoyso dowlada Puntland kana taliso.
↧
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Magacaabay Degmo Cusub oo Gobolka Mudug ka Tirsan.
↧