Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Shirkii Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo Qodobo muhiim ah laga soo saaray(Sawiro).

$
0
0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 bisha ogoosto 2014 waxaa xarunta  Madaxtooyadda Dawladda  Puntland  ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo Khamiis’le ah.

Iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaaladda dalka guud ahaan ,  ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran.

1-Amniga .

  •  Waxaa warbixin guud laga dhagaystay laamaha amniga dalka oo ay ugu horrayso wasaarrada
    amniga dawladda Puntland, waxayna si faah-faahsan usoo bandhigeen xaaladda guud ee amniga
    Puntland iyo xaaladda nabad gelyada wadooyinka Puntland oo uu si qotta dheer uga warbixiyay
    wasiirka amniga Puntland.

- Sidoo kale waxay wasaaradda amnigu usoo jeedisay golaha wasiirada in kor loo qaado ciidanka
Ammaanka waddooyinka Puntland iyo haad-bixi-yayaasha  ama (Traffico) , oo ay sheegeen
inay yihiin xirfadlay gaar ah iyaga iyo cabir-qaadayaasha waddooyinka.
2- Degmada Saaxo Ee Gobolka Mudug.

  • Waxay golaha xukuumadda Dawladda Puntland maanta si buuxda u ansixiyeen degmada“Saaxo” oo ka mid noqotay degmooyinka gobolka mudug, isla markaana ah degmadii shanaad ee gobolka mudug , waxayna 70-km dhanka koonfur kaga beegantahay caasimadda gobolka mudug ee Gaalkacyo, laga bilaabo 14/08/2014 deegaanka Saaxo iyo dadka ku nool, waxay si buuxda uga mid yihiin “dhul iyo dadba”  deegaamada ay ka taliso Dawladda Puntland.

3- Siyaasadda Deegaanka Ee Dawladda Puntland.

  •  Waxaa maanta golaha xukuumadda dawladda la hor keenay, siyaasadda deegaanka ee Dawladda
    Puntland, waxaa halkaa lagu soo bandhigay faa’iidada siyaasaddaas.Siyaasaddaas oo ku salaysan , hannaanka isku tashiga oo ay waddo Dawladda Puntland, waana siyaasaddii koowaad oo ka hadlaysa arrimaha deegaanka ee loo sameeyo Soomaaliya intii ay jirtay guud ahaan.

4- Kastamka Isku-xira Dawladda Puntland Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

  •  Waxay Dawladda Puntland go’aansatay kor u qaadidda suuqyada ganacsiga Puntland, taasoo
    muhiim u ah suuq geynta xoolaha nool , kalluumaysiga, iyo iibsiga WAX soo saarka iyo
    badeecadaha ay soo dejiyaan ganacsatada Puntland.IMG_6537Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  waxay hore uga wada hadleen kor u qaadidda ganacsiga labada dhinac iyo furidda kastam cusub oo u dhexeeya labada dawladood.

    Golaha xukuumadda Dawladda Puntland isagoo ka anba-qaadaya arrimahaas ganacsi , wuxuu u magacaabay guddi ka kooban
    1- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland.
    2- Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warashada Dawladda Puntland.
    3. Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
    4. Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Gaadiidka Dawladda Puntland.
    5. Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Iyo Xiriirka Gobolada Dawladda Puntland.
    6. Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Dawladda Puntland.

7. Wasaaradda Warfaafinta, Is-gaarsiinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dawladda Puntland.

5- War-sidaha Dawladda Puntland.

  •  Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay si buuxda u ansixiyeen warside cusub oo ay
    yeelanayso Dawladda Puntland, warsidahaas oo magaciisa la yiraahdo 1-da Agoosto, wuxuuna
    ahaan doonaa todobaadle ku hadla afka Dawladda Puntland.

6- Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka.

  •  Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay ka doodeen Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka
    lagu gado suuqyada madow ee Puntland, waxaana loo xil saaray howshaas wasaaradda amniga Puntland in ay si buuxda usoo faah-faahiso uguna soo celiso golaha.

War-bixino.
A-

  •  Waxaa warbixin laga dhagaystay guddiga kasoo talo bixinta taraha gaadiidka dekedda Bosaso, isla markaana waxaa guddiga loo xil saaray in howshaas ay talo soo  jeedintoodii ku meel mariyaan.

B-

  •  Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaystay guddiga shaqo u qeexidda wasaaradaha iyo
    hay’adaha madaxa bannaan
     , iyagoo ka waramay howshu meesha ay u marayso iyo caqabadaha ka hor yimid..

Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Caddaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyadda , warbixinahaas oo ku saabsan sida ay  u socdaan howlihii ay wadeen ee ku salaysnaa (reform’ka) ama dib u habaynta  ariimahaCaddaaladda, Amniga, Dhaqaalaha  iyo shaqaalaha guud ee dalka .

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com

______________________________________________________________________

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_6542IMG_6547IMG_6549

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles