Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Gaas oo Garoowe dib ugu Laabtay(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo 9-8-2014-kii ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland oo maalimihii lasoo dhaafay hawlo shaqo ku joogey magaalada Boosaaso ee xarunta goolka Barri  ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxwaynaha ayaa waxaa siweyn uga qayb qaatay Wasiiro,Xildhibaano,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Waxgarad,Saraakil Ciidan iyo qaar kamid ah Bulshada rayidka ah ee ku nool Magaalo Madaxda dawlada Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mudadii uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la’ qaatay Safiirka Dalka Soomaliya u fadhiya dawlada Imaaradka carabta  mudane. Mohamed Al-Othman iyo Masuuliyin ka socday Shirkada DUBAI Port Wall (DP) , sidoo kale waxaa ku weheliyey kulankaas Ganacsato reer Dubai ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashi ka samaystaan Puntland.

IMG_6502

Shirkadan Ganacsi ee Dubai Port Wall (DP)ayaa ah shirkad ka howlgasha 63-Wadan waxana ay si toos ah u maamushaa 54-Dekedood,imaanshahooda Puntland ayaa salka ku haysa  sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayen Dekeda Wey n ee Boosaaso,waxana loo balan sanyhay markii ay dib u soo laabtaan Masuuliyiinta shirkadaasi in ay Hashiis dhamastiran la’ saxiixdaan Dowladda Puntland.

Dhinaca kalena waxa uu Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Boosaaso,Waxgarad,Ganacsato,Hay’addaha amaanka ee Gobolka  iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso kulamadaasina waxa ay ku soo dhamaaden Guul .

Deeganka Qow oo katisarn Gobolka Bari ayuu madaxweyne Gaas ku tagay Booqasho rasmi ah waxana halkaasi uu kula kulmay Maamulka iyo Dadka deegaanka,dhawaana waxa halkaasi laga fulinaya Mahsruucyo Horumarineed  oo Dowladu ugu talagashay Deegaankaasi.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_6505IMG_6508IMG_6510IMG_6512IMG_6514IMG_6515IMG_6517IMG_6520IMG_6522IMG_6530IMG_6531

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles