Wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Wafdiga oo matalayey 15-ka xubnood ee golaha ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Jubba iyo Galmudug.
Arrimaha looga hadlay kulankaas waxay aheyd marxlaadda dalka, ujeedada booqashada wafdiga ee dalka oo aheyd sida lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda iyo qiimeynta wax qabadka dowladda.
Kulan ay saddexda mas’uul goob-joog ka ahaayeen oo wafdigu la qaatay ayaa intiisa badan looga hadlay xiriirka dowladda iyo Golaha Ammaanka iyo sida loo sii xoojin karo.
Waxay kaloo wafdiga iyo mas’uuliyiintu ka hadleen xaaladaha bani’aadanimada ee Soomaaliya iyo howlaha ay qabtaan hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey.
Wafdiga ayaa shir kale la’leh madaxda dowladda oo ku saabsan ammaanka, xiriirka dowladda iyo hay’daha dalka ka shaqeeyo iyo shaqooyinka ururrada bulshada rayidka.
Xubnaha wafdiga iyo madaxda dowladda ayaa qorshuhu yahay marka ay shirarkoodu dhamaadaan in ay saxaafadda la hadlaan.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu horreysay oo nooceeda oo kale ah oo xubnaha Golaha Ammaanka ay ku tagaan Soomaaliya inka badan 20 sano kaddib burburkii dowladdii dhexe.
Halkaan ka Akhriso Warsaxaafadeedka:
Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.
Booqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria. Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, hogaamiyeyaasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga AFRIKA ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.
Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah.
Hadal uu ka jeediyay Garoonka Dayuuradaha ee Caalamagiga ee Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay inaan Soomaaliya booqano. Booqashadeenu waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay beesha caalamku uga go’antahay inay taageerto horumarka ay Soomaaliya u qaadday si ay u gaarto nabad iyo xasillooni. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhowaan la gaaray si loo dhiso maamul goboleedyo ku meelgaar ah, oo ay ka midyihiin sameynta Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah iyo heshiisyada laga gaaray Maamulka Koonfur Galbeed ee Ku-Meelgaarka ah iyo Gobollada Dhexe.
“Xubnaha Golaha waxay sidoo kale muujiyeen inay filayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay: si degdeg ah u sameyn doonto guddiga doorasha qaran ee madaxabanaan; horseed ka noqon doonto hanaan wax dib u eegid loogu sameynayo dastuurka farina loogu qaadayo dhammaadka sannadka 2015; soona abaabusha doorasho dhacda sannadka 2016. Xubnaha Golaha Amaanka waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya si aragtidan looga dhabeeyo. Xubnaha Goalaha Amaanka waxau sidoo kale hoosta ka xarriiqeen muhimadda ah leedahay in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan dhammaan heerarka hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya.” ayuu raaciyay Danjire Lyall-Grant.
Wefdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).