Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa xalay lagu qabtay kulan looga soo horjeedo heshiiskii dabayaaqadii bishii July ee sanadkan lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Kulanka oo la sheegay inay soo abaabuleen bulshada degmada, waxaa ka qeyb galay maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Caabudwaaq.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ee maamulka dowladda Cabdirisaaq Xasan Cowl, oo la hadlay saxaafadda kulanka ka dib ayaa sheegay in maamul ahaan ay ka soo horjeedaan heshiiskii Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in haddii maamul mideysan loo samaynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud loo baahan yahay in heshiiska laga qeyb geliyo bulshada degmada Caabudwaaq ee gboolka Galgaduud.
Ugaas Axmed Barre oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud loo baahan yahay inay noqoto mid laga qeyb galay dhammaan bulshada ku nool labada gobol.