Maxamed Axmed Teera oo ah Suxufi rug cadaaya islamarkaana horey usoo noqday Agaasimihii guud ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ka hor burburkii Dowladii dhexe ee Somalia ayaa khudbad uu jeediyey wuxuu kaga hadlay dhinacyo badan oo ku saabsan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta.
Weriye Teera oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri”Anaa
Wariye Teera ayaa ka hadlay kaalinta laga doonayo Saxaafada iyo Midda looga baahan Xukuumada Puntland inay uga faa,iideysato,Islamarkaana lagaga hortagayo tacadiyada soo noq-noqda ee Wariyaasha u geystaan maamulada ka arrimiya Somalia
Qudbada Ustaad Maxamed Axmed Teera ayaa xiiso galisay in badan oo ka mid ah Masuuliyiin iyo Dadweyne goob joog u ahaa xafladii xil wareejinta ee maamulka cusub Warbaahinta Dowlada Puntland iyo Maamulkii horre.
Wuxuuna ku dhaliilay labada dhinac kaalimo laga doonayay mar horre inay guulo ka gaaraan sida qoraalka, wax akhriska, iyo dabo-galka iyo baaritaanada loo baahan yahay in Madaxda Xafiisyadu uga war helaan cabashada ka jirta Dadweynaha.