Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo Si Rasmi ah xilka ugu wareejiyay Taliyaha Cusub(Sawiro).

$
0
0

Waxaa Maanta Si rasmi ah xilalka ula kala wareegay Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada  G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob) oo dhawaan xilka uu u magacabay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xaflada Xilwareejinta oo ka dhacday Gudaha Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa Goobjoog ahaa Taliye Ku Xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/le:Axmed Cabdi Xirsi,Saraakiisha Ciidanka,Agaasimayaasha Madaxtooyada qaybtood iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay Goobta ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in maanta uu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob).

Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayuu sheegay Taliyuhu in ay yihii ciidan u taagan difaaca dalkooda,waxana ay siweyn uga qayb qaaten cirib tirka Kooxihii burcad badeedka ,Ladagalanka Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo adkaynta Xuduuda Puntland ay la leedahay Wadamada dariska ah .

‘’Waxa xamar ka socda ee Gobolada lagu saxiixanayo cid asmici karta majirto hadii gaalkacyo,Galdogob iyo Jariiban waraaqo la qor qoro lagu qaadanayo Maxay noogu casyihiin Garbuhu taasi waxa ay ka dhigan tahay qof isaga oo soo jeeda riyooday’’Ayuu yiri G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole.

IMG_6345

G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob) ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay sida wanagsan ee uu xilka u wareejiyay Taliyihii hore isagoona balan qaaday in uu la imaanayo shaqo hufan iyo daacadnimo .

Gaba gabadii Munaasibada ayaa G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole waxa uu Documentiga ciidanka Madaxtooyada ku wareejiyay Taliyaha Cusub G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob) isagoona kula dardaarmay in halkaasi uu ka sii wado shaqada.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_6295IMG_6297IMG_6303IMG_6305IMG_6309IMG_6312IMG_6317IMG_6319IMG_6325IMG_6329IMG_6336IMG_6341IMG_6345IMG_6347IMG_6348IMG_6349IMG_6350IMG_6354IMG_6361IMG_6367IMG_6370IMG_6371IMG_6375IMG_6377


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles