Xildhibaano kale oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,oo kaso jeeda Puntland ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,kuwaas oo ka jawaabayay Fariintii uu u diray Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
Xildhibaanada kaso dagay Gaalkacyo ayaa kala ah;-
1-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe
2-Maxamed Maxamuud Kulalihi
3-Maxamuud Cali Dhuux
4-Iyo Maxamed Axmed Gurxan.
Maamulka degmada Gaalkacyo,Waxgarad iyo dadweyne fara badan ayaa soo ka qayb qaatay soo dhoweynta Xildhibaanada loogu sameeyay Garowe.
Xildhibaanada soo gaaray Puntland ayaa qayb ka noqonaya Xildhibaano uu hogaminayay Xassan Abshir Faarax,oo dhowaan soo gaaray Puntland,waxaana Madaxweyne Gaas uu Xildhibaanada kala tashanayaa maamulkii dhowaan Dowlada Federaalka ay u samaysay Gobolada dhexe,kaasi oo lagu doonayo in lagu burburiyo jiritaanka Punatland.