Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland Siweyn loogu soo dhaweeyay Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo Sanadihii u danbeeyay ku sugnaa Dhulka Maamulka lamagac baxay Soomaaliland.
Soo dhaweynta loo sameeyay Waftiga ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro, Xildhibaano,Haween Dhalinyaro iyo qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Garoowe kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade.
Intaas kadib ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay Imaanshaha Puntland ee Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo jeeda Deegaanada Puntland.
‘’Waan ku faraxsanahay in gurigaagi hooyo,deegaankaagi dhabta ahaa,hoygaagi runta ahaa inaad noogu timaato marti cid ugama ihid gurigaagi rasmiga ahaa baa ku yaala ehelkaagi baa jooga waan kugu soo dhaweynaynaa’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
‘’Axmed Waa oday nagu soo biiray taladiisa aqoontiisa khibradiisa siyaasadeed inta waxay u tahay wanaag Puntland waxaan rajaynayaa wada shaqayn fiican‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.
Siyaasi Axmed Cabdi Xaasbdade oo isna dhankiisa lahadlay Warfidyeenka ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan dib ugu soo laabashadiisa Puntland,isagoona tilmaamay in uu kamid ahaa Waxgaradkii gacanta weyn ka gaystay Aasaska iyo Jiritaanka Puntland.
‘’Haatan waxaan u soo laabtay inaan dib wax uga dhiso Puntland waxana idiinku balan qaadayaa in aan ka qayb galayo arinta imaan shahana madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday waana ka aqbalay‘’Ayuu yiri Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .