Waxaa caawa Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlada Puntland si habsami leh uga socda xarunta baarlamanka Maamuuska 16 sano guurada kasoo wareegtay aas aaskii dowlada Puntland.
Xaflada caawa ka socota Garowe ee lagu xusayo 1 Augsto waxa goob joog u ah Madaxda Dowlada Puntland, Issimo, Culimo udiin, Xubno ka tirsanaa Xukuumadii horre ee Puntland, Qurbo joog, Ururada bulshada iyo Dadweyne Faro badan.
Xafladan oo noqonaysa qeybtii labaad ee xuska dowlada Puntland ugu dabaal dagayso munaasabada 1 Augsto ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka Xukuumada Madaxweyne Gaas mudadii lixda bilood ee lasoo dhaafey iyo Khudbado ay ka jeedin doonaan Madaxweyne Gaas, Gudoomiyaha Baarlamanka, Issimada iyo In badan oo ka mid ah dadka goob jooga u ah.
Sida ka muuqata goobta waxaan ka marnayn dhanka suugaanta iyo hobolada waaberi oo lagu wado wacadaro ay caawa ka dhigi doonaan maamuska sanad guurada 16 ee maamulka Puntland.
Warbaahinta Puntlandfox waxa soo gaarey Sawiro horudhac ah oo ku saabsan madasha ay ka socoto Xaflada caawa lagu qabanayo Garowe.