Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeyey geeridii Xildhibaan Madeer.

$
0
0

downloadMadaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho ee Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda , qaraabada, Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed geerida Allaah ha u naxariisee Marxuum Shiikh Aaden Maxamed Madeer. Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Allaah ha ka waraabiyo Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer samirr iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladda iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, , Waxaa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba.

-DHAMMAAD-

For more information please contact:
Shador Haji
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia /@Shador_Haji


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles