Taliska Ciidanka Booliiska ee Gobolka Bari ayaa shacabka kunool magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku amray in maalinka beri ah aysan gelinka hore furi karin Xarumaha ganacsiga dhaqdhaqaaqa gaadiidkuna uu xiranyahay.
Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka C/raxmaan Cali Cabaas Musim ayaa sheegay in awaamiirtaan usoo saareen sidii maalinka beri ah oo jimce ah gelinka hore ay shacabka magaalada Boosaso uga qayb qaadan lahaayeen xuska sanad guuradii 16aad ee kasoo wareegatay aasaaskii Puntland, wuxuuna intaas ku daray gaadiidkana aan loo ogolaan doonin in ay magaalada isaga kala gooshaan.
Taliska ayaa sheegay in cidii aan u hogaan samin awaamiirta ay maanta soo saareen loo aqoon SAN doono in ay kasoo horjeedo midnimada Puntland tallaabana laga qaadi doono.
Dhanka kalena taliska qaybta bilaysaka ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay dadak shacabka ah ee kunool magaalada Boosaaso in ay ciidanka ammaanka gacan kasiiyaan sugida ammaanka iyo sidii xusku ugu dhici laha si aan loo kala harin.