Waddadani oo layiraahdo Bander_qaasim ayaa dhererkeedu dhan yahay 2Km, waxaana ay kasoo bilaabata Isgooyska wadada 30-ka iyadoona ku dhamaata Bartamaha magaalada Boosaso.
Duqa degmada Boosaso Xasan Cabdala Xasan ayaa dhagax dhiga ka sheegay in wadadani ay qayb kanoqon doonto lix waddo oo laamiya kuwaasi oo laga hirgeliyey magaalada Boosaso, waxaana uu intaasi raaciyey in isticmaalka waddada looga maarmi doono saxmad iyo ciriiri kajiray wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada.
Guddomiyaha gobalka Bari C/samed Maxamed Galan ayaa dhankiisa xusay in dhismaha wadadani ay qayb kanoqonayso waxqabadka ay ku talaabsatay xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, isagoona uga mahadceliyey Dowlada Maraykanka oo dhaqaalaha lagu dhisayo wadada gacan kasiinaysa dowlada hoose ee Magaalada Boosaso.
Magaalada Boosaso ayaa muddoyinkii dame waxaa laga hirgeliyey dhowr waddo oo laamiya, kuwaasi oo kalin kaqatay horumarka iyo bilicda magaalada Boosaso, waxaana horay magaalada uga jiray hal waddo oo laamiya halka hada la hirgeliyey illaa todomo waddo oo laami ah.