Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra”iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo ka wada hadlay Halka lagu Aasi Doono Marxuumad Saado Cali Warsame.

$
0
0

Ra”iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane.C/weli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo Khadka Telefoonka ku wada xariiray ayaa ka wada hadlay halka lagu Aasi Doono Marxuumad Saado Cali Warsame oo maanta Magaalada Muqdisho lagu diley.

Ilo Wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa Warbaahinta Raadreeb u xaqiijiyey Xiriirka Labada Masuul,iyagoona isla Meel dhigay halka Marxuumada lagu Aasi Doono.

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hadalka ku horeeyey Ayaa Ra”iisulwasaaraha Soomaaliya ka Codsaday Meydka Marxuumada la keeno Magaalada Garoowe,si halkaasi loogu Aaso.

Ra”iisulwasaare Cabdiweli Shiikh oo Codsiga Madaxweynaha ka jawaabay ayaa yiri ”Marxuumadu Maadaama ay ahayd Xildhibaanad Qaran Waxa lagu Aasi Doonaa Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Qabuuro Loo Bixiyey Qabuuraha lagu Aaso Xildhibaanada Qaranka ee Muqdisho lagu dilo.

Sidoo kale Ra”iisulwasaare Cabdiweli Shiikh waxa uu balan qaaday in Qoyska Marxuumada  ee Deegaanada Puntland ku sugan Diyaarad Khaas ah loo soo diri Doono

Dilka Marxuumada ayaa waxa fuliyey Kooxo Hubaysan oo rasaas ku furay gaarigii ay Saarnayd,kuwaas oo isla markiiba goobta ka Baxsaday.

33

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles