Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xildhibaan Proff.C/risaaq Cismaan Xasan(Juurille) oo ka tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaanad Saado Cali.

$
0
0

Xildhibaan Proff.C/risaaq Cismaan Xasan(Juurile) oo khadka Telefoonka Warbaahinta Raadreeb kula soo Xariiray ayaa ka Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Xildhibaan Proff.C/risaaq Juurile  ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qaraabada, xildhibaanada Baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame.

Xildhibaan Proff.Juurile ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan inaga wada siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”

juuurile


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles