Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

C/weli Gaas oo Baarlamaanka Hor-tegay(Sawiro).

$
0
0
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Hortagay Golaha Wakiilada Puntland si uu ugu soo bandhigo waxqabadka dowlada su,aalana uga waydiiyaan.

Madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa khudbada uu u jeediyay Mudanayaasha Baarlamanka waxa uu uga hadlay Xaalada Dalka Waxqabadka xukuumada Puntland,Safaradii uu ku tagay Gobolada Puntland iyo Waliba Safaradii shaqo ee uu ugu baxay Dalka dibadiisa.

‘’Xaalada Dalka Guud ahaan markaan kawaramo Wadanku aad buu u wanagsanyahay Nabad galyo ahaan iyo waliba Siyaasad ahaanba,horumarki xukuumada ee lixdii bilood ee taktayna wax lataaban karo ayaanu qabanay’’Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Safarkii aan ku tagay Gobolada Puntland qaytood waxa ay ahaayen Safaro aan ugu kuur galayo Xaalada Dalka,Goboladii iyo degmooyinki aan tagayna waxaan kala kulmay xaalad wanagsan Deganaansho iyo anagoo ukuur-galnay Xaalada Dalka ‘’Ayuu hadalkisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.

IMG_3886

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in guul weyn uu ku soo dhamaaday Safaro uu ku tagay Dalka Dibadiisa,isagoona kulamo la soo qaatay madaxda dalalka aynu dariska nahay qaybtood.

‘’Wakhti badan ayaanu galinay in dowladu Xog dhab ah kahayso wadanka gudihiisa sababtoo ah magaran karo anigu hadaanan tagin Ufeyn ama gobolada kale ee dalka Baahida kajirta halkaasi taas ayaana nagu kaliftay in aanu dadka utagno’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa waxa ay su,aalo waydiiyeen Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,madaxwaynuhuna dhamaan waxa uu si wanagsan uga jawaabay su,aalahasi.

IMG_3808IMG_3812IMG_3822IMG_3828IMG_3829IMG_3830IMG_3835IMG_3839IMG_3850IMG_3855IMG_3860IMG_3861IMG_3864IMG_3869IMG_3875IMG_3889IMG_3892IMG_3894IMG_3900IMG_3906IMG_3908IMG_3909IMG_3910IMG_3911IMG_3920IMG_3922IMG_3925IMG_3950

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles