Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdi uu hogaaminayo Proff.Galeyr oo Buursaalax ku sugan.

$
0
0

Xildhibaan Cali Khaliif Galayr iyo wafdi uu hoogaaminayo ayaa si diiran galabtay loogusoo dhaweeyay deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug.

Cali Khaliif Galayr oo wadahadal iyo talo u yimid gobolka mudug ayaa galabtay shir albaabadu u xiran yihiin la yeeshay salaadiinta iyo waxgaradka ku sugsn magaalada Bursaalax oo uu ugu horeeyo Amiir Maxamuud Yusuf Ciise, halkaasoo uu caaway ku nagaan doono.

Wafdiga uu hoogaaminayo Mudane Galayr ayaa la sheegay in ay usoo gaareen deegaanada Puntland, wadahadalkii la dhowrayay inuu dhex maro masuuliyiinta Puntland iyo Siyaasiyiinta SSC ee dhaliishanaa maamulka Puntland, kadib markii maamulka cusub ee Puntland dalbeen wadahadal la isugu soo dhaweeynayo dadka walaalaha ah ee wax kala tabanaya.

Waabariga subaxa hore ayaa lagu wadaa in wafdiga Galayr ay usii dhaqaaqaan degmada Burtinle oo uu ku sugan yahay Islaan Bashiir oo wafuuda SSC casuumaad u diray, waxaana sidoo kale barito kusoo biiri doona wafdiga Galayr Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Siyaasiyiin kale oo muhiim ah.

Duhardii barito ayaa lagu wadaa in wafdiga SSC iyo waxgaradka gobolka Mudug oo uu waheliyo Islaan Bashiir in ay kulan qado ah ku kulmaan, halkaas oo ay sidoo kale soo gaari doonaan madax ka tirsan dowlada Puntland.

images

 

Source:-Allidamaale.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles