Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Guriceel oo laga mamnuucay in Geela laga iibsado meel ka baxsan Seyladaha.

$
0
0

Maamulka dowladda federaalka Soomaaliya ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa mamnuucay in Geela laga iibsado meel ka baxsan seyladaha xoolaha.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel, Cali Baashi Aadan Diiriye oo Saxaafada la hadlay  ayaa sheegay in arrintan looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa dadka xoolaha ka iibsada meelaha aan suuqyada aheyn oo maalmahan ku batay deegaanka.

Wuxuu u jeediyay ganacsatada in marka ay soo iibsadaan neef Geel ah ay soo marsiiyaan xarunta degmada, si loo xaqiijiyo in suuqa laga soo iibsaday iyo in kale.

Cali Baashi ayaa tilmaamay in sidoo kale xoolaha, gaar ahaan Geela lagu qali karin meel ka baxsan kawaanka degmada, isagoo xusay in ciddii ka madax adeegta amarka tallaabo laga qaadi doono.

geel


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles