Wasiiru Dowlihii hore ee Gaashaandhiga General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade), ayaa wuxuu ka hadlay amni darada sii baaheysa ee ka jirta Magaalada Muqdisho iyo wal-walka ay ka qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu soo hadalqaaday weeraradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in weeraradaasi laga soo maleygay meel aan ka baxsanayn Caasimada.
Waxa uu sheegay inaan lala yaabi karin weerarada lala beegsanaayo Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), bacdamaa ay ku taalo Muqdisho, ayna qayb uun ka tahay dhibaatada lagu haayo ummada, sida uu yiri.
Wuxuu kaloo sheegay in Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka Somaliya, ay ammaan heli doonaan marka ay hesho bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay inaan laga bixi doonin amni darada, ilaa iyo inta laga meel marinaayo xeer lagula dagaalamo xubnaha ka tirsan Al Shabaab, ee dhibaatadda ka wada Caasimada.
General Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa wuxuu Xildhibaanada Baarlamaanka si kulul ugu eedeeyay, inay iyagu ku dhegan yihiin Sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasoo ay u soo gudbisay Xukuumada.
General Indha Cade, ayaa waxa uu Xildhibaanadu ugu yeeray, haddii ay ammaan doonayaan inay meel mariyaan Sharcigii lagu qaadi lahaa Xoogaga mayalka adag ee Al Shabaab.
Source:-Universal.