Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gaas oo ka qeybgalay Kulan lagu daahfurayay Tartanka Quraan Akhrista ee Bisha Ramadaan(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe Gaar ahaan Masjid Al-Hudda kaga qayb galay Munaasabad lagu daahfurayay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah kaasi oo laqabto Sanad Kasta Tobanka Dambe ee Bisha  Barakaysan Ramadaan .

Tartankaan ayaa ah Mid ay Sanad Walba ku tartamaan ardayda Xifdisan Qur’aanka Kariimka ah waxna kabarta Dugsiyada Qur’aanka ee Puntland.

Mu’asasatul Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Puntland-Soomaliya ayaa soo qaban qaabisay munaasibadda Tartanka waxana Fulintiisa kala qayb galay Dowladda Puntland,Ganacsatada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Furitaanka Xafladda ayaa sheegay In uu si aad ah ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka munaasibadda lagu waynaynayo Qur’aanka Kariimka ah ee Qowlka EEBE .

IMG_2871

Madaxwayne Gaas ayaa sidoo kale u mahad celiyay Culimada Puntland iyo Hay’adda Al-Minhaaj isagoona ku Adkeeyay in ay sii wadaan Qabashada Munaasibadahan oo kale.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Culimada iyo  Bulshada Puntland ku dhiirigaliyay in la kobciyo lana qurxiyo Dugsiyada Lagu Barto Qur’aanka Kariimka ah,maadaama uu yahay Qowlkii EEBE .

Tartankaan Qur,aanka Kariimka oo Soconaya Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka qayb galaya Soddon iyo Afar arday (34) oo wax kabarta Dugsiyada Qur’aanka ee Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_2627IMG_2640IMG_2651IMG_2653IMG_2655IMG_2657IMG_2661IMG_2673IMG_2678IMG_2682IMG_2688IMG_2690IMG_2697IMG_2708IMG_2710IMG_2712IMG_2716IMG_2735IMG_2738IMG_2754IMG_2759IMG_2766IMG_2792IMG_2812IMG_2820IMG_2828IMG_2832IMG_2858IMG_2859IMG_2860IMG_2861IMG_2862IMG_2865IMG_2866IMG_2871IMG_2872IMG_2873IMG_2875IMG_2882IMG_2884

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles