Sirdoonka dalka Kenya, ayaa waxa uu baahiyay magacyada laba nin oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaa oo la rumeysan yahay inay hormuud ka yihiin weerarada ka dhacaaya Gobolka Xeebta leh ee Kenya.
Sirdoonka Kenya, ayaa ku waramaaya in Idris Kimau iyo Abu Jamal ay iyagu horkacayaan, weerarada muddooyinkaan dambe ku soo badanaaya deegaanada ka tirsan Gobolka Xeebta.
Qoraal uu soo saaray Sirdoonka Kenya, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Abu Jamal uu horey kaga tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Kenya, laakiin uu muddooyinkaan dambe ku daba feelay Al Shabaab.
Warbixintaan oo lagu daabacay Jariirada The Standard, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Idris Kimau uu door weyn ku lee yahay weerarada ay fulineyso Al Shabaab, uuna ka soo jeedo qowmiyada Kikuyu.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Idris Kimau uu iminka ku baxsanaayo deegaanka Boni, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaana ay tahay goobaha ay ka soo abaabulayaan weerarada.
Sirdoonka Kenya wuxuu iftiimiyay Abu Jamal iyo dagaal-yahano kale oo la socoto, inay abaabulayaan weeraro ka dhan ah, deegaano hoostagga Magaalada Mombasa.
Dadka degan deegaanada Milindi, Ijara, Garsen iyo dhulka kale ee ku dhow dhow, waxaa lagu wargeliyay inay feejignaan muujiyaan, sababo ku aadan weeraro kaga imaan kara Xoogaga taabacsan Al Shabaab.
Macluumaadkaan waxa uu noqonayaa noociisii ugu ballaarnaa, oo ay soo bandhigto Hay’adda Nabad Suggida ee Kenya, waxayna arrintaan ku soo aadeysaa, xilli mucaaradka Kenya uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha weerarada ka dhacaaya Gobolka Xeebta.
Universaltv