Barakacayaal kasoo talaabay Gobolada Koonfurta Somaliya kuna nool duleedka bari ee magaalada Garowe ayaa la gaarsiiyey Qalab Ilayska ama Layrarka Qoraxda ku shaqeeya ee Sollar-ka kaas oo ka anfici doona iftiinka guryaha ay ku nool yihiin qoysaskan barakacayaashu.
Waxaana ka faa,iideysanaya mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hay,adda TIDES iyo IOM tiro dhan 600 oo Qoys kuwaas oo la gudoonsiinayo 1,200 (Kun iyo Boqol ) oo Sollarka Qoraxda ku shaqeeya una baahnayn koronto iyo shidaal midna.
KOIA NAKASA oo ah Madaxa Caafimaadka Ahna Madaxda Xafiiska Garowe ee Hay,adda IOM ayaa sheegtay in qorshaha mustaqbalka dhow ay ugu jirto sidii ay kaalmadan oo kale u gaarsiin lahaayeen Barakacayaasha ku nool Gaalkacyo iyo Bosaso.
Cabdi Ibraahim oo ah Madaxa Hay,adda TIDES uu isna xusay in qaab cadaalad ku jirto barnaamijkan ay u fulinayaan tiimamka ama kooxda hay,adda TIDES oo ay IOM usoo marsiisay sidii loo gudoonsiin lahaa barakacayaasha loogu qeybiyey Kaamamkooda ku yaala duleedka Garowe.
Waana markii labaad oo TIDES u qeybiso Barakacayaasha Garowe Ileyska ku shaqeeya Qoraxda,, kaas oo faa,iido weyn u leh isticmaalkiisu dadka danyarta ah ee aan awoodin kharash-yo ay ku bixiyaan adeegyada shirkada korontada ee ay bixiyaan.
Source:-PuntlandFox.