Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxwayne Gaas oo la kulmay Xiriiriyaha Barnaamijka ladagalanka Dambiyada Ka dhaca Badaha Geeska Afrika(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Xiriiriyha Barnaamijka ladagalanka Dambiyada Ka  dhaca Badaha Geeska Afrika iyo Indian Ocean Mr Alan Cole iyo Ku Xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Francesco Caonero .

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

IMG_2117

Mudadii uu Socday Shirku ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen Taageerida Dowladda,Hor usocodsiinta Xabsiga Garoowe,Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo,Dhamaystirka iyo Dayactirka Xabsiga Weyn ee Boosaaso(Old Prison),Tababarida Ciidanka Puntland iyo Biyaha Xabsiyada Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa dhankiisa u sharaxay saraakiishaasi in Dowladda Puntland ay u baahantahay in laga gacansiiyo Howlahaasi oo idil si Puntland horumar uga samayso halka ay hada joogto.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_2087IMG_2089IMG_2093IMG_2109IMG_2113IMG_2116IMG_2120IMG_2122IMG_2123


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles