Guddoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo horey maxkamadda Hargeysa ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah ayaa shalay lasii daayay, kadib markii madaxda maamulka Somaliland ay sheegeen inay cafis u fidiyeen.
Gaboobe ayaa xabsiga kujiray tan iyo 25-kii bishii hore, xilligasoo ay xukuntay maxkamadda, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qoray warar ka hor-imaanaya Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in maamulkiisu uu tixgalinayo xuquuqda suxufiyiinta, balse warbaahinta laga doonayo inay dhowraan sharciga Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dhowaaqay in Yuusuf Cabdi Gaboobe lagu siidaayay cafis ka yimid madaxweynaha Somaliland.
Wuxuu xusay in maamulkooda uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo bahda saxaafadda, isagoo u jeediyay warbaahinta inay si xushmad leh u tabiyaan wararka ay ka qorayaan Somaliland.
Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa tilmaamay kadib cafiska loo fidiyay in xarigga loo geystay uusan wax u dhimi doonin howlaha shaqo ee wargeyska Haatuf.
Source:-Barkulan.