Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowladda Turkiga Oo Inta Ramadaanka Ka Dhiman Hakad Gelisay Mashaariicda Ay Ka Wado Muqdisho, Weeraro Laga Cabsi Qabo Awadood.

$
0
0

Wararka ka imaanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Turkiga ay hakad gelisay dhammaan mashaariicdii iyo adeegyadii kalaba, ee ay ka waday Magaalada Muqdisho.

Arrintaan waxay ka dambeysay markii ay soo baxeen calaamado muujinaaya, suurta galnimada in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan, weeraro ka dhan ah shaqaalaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho.

Safaarada Turkiga ee Muqdisho waxay dareen cabsi leh ka muujineysaa in inta ka harsan bisha Ramadaan, ay Caasimada ka dhacaan weeraro si gaar ah loogula bartilmaameydsado shaqaalaheeda ka hawlgala Muqdisho.

Safaaradu waxay shaqaalaha ku wargelisay in inta ka harsan Ramadaanka aynaan soo xaadirin shaqooyinka, ayna yimaadaan maalinta xigta Ciidda.

Maxamed Xasan oo ka mid ah shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeeya dhinaca nadaafada, ayaa xusay inay soo baxayaan digniino ka dhan ah, weeraro kaga yimaada Al Shabaab.

download

 

Source:-Universal.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles