Kenya, ayaa waxay xilligaan walaac xoogan ka muujineysaa in muwaadiniinteeda, ay ku socdaalaan Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee Magaalada London, weeraro ka dhan ah Garoonka oo laga cabsi qabo.
Dowladda Kenya, ayaa waxay xaqiijineysaa inay heleyso warar lagu kalsoonaan karo, oo sheegaaya in Al-Qaacidada Yemen iyo Suuriya, ay horumarinayaan walxaha qarxa ee lagu soo ridi karo diyaaradaha.
Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya oo lagu magacaabo Dr. Karanja Kibicho, ayaa wuxuu sheegay in macluumaadkaan ay ka heleen Saraakiil ka tirsan Mareykanka.
Sarkaalkaan, ayaa muwaadiniinta reer Kenya ku adkeeyay inay isaga fogaadaan Garoonka ku yaala Magaalada LONDON, si aynaan waxyeelo kaga soo gaarin suurta galnimada weeraro argagaxiso, oo ku soo fool leh, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Kenyanka ah inay adeegsadaan Garoomada Amsterdam, Doha, ABU DHABI iyo Addis Ababa, kolka ay ka amba baxayaan Nairobi, si ay u taggaan Mareykanka.
Arrintaan, ayaa waxaa sabab looga dhigay iyadoo aynaan jirin duulimaadyo toos ah, oo isaga kala goosha Magaalada Nairobi iyo Magaalooyinka kale ee dalka Mareykanka.