Nin u dhashay dalka Maraykanka, asalkiisuna yahay Hindi ayaa qirtay inuu agab iyo dhaqaaleba ku taageeray malleeshiyada Al-shaab iyo jabhadda Al-Nusra ee ka dagaallanta dalka Syria.
Gufran Axmed Kauser Maxamed oo 31 sano jir ah ayaa qirtay dambiyada oo hore loogu eedeeyey, kaddib markii lasoo taagey maxkamad ku taalla magaaladda Miami ee carriga Mareykanka.
Wuxuu sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii hore ee 2013-kii Al-shabaab iyo Al-Nusra ugu deeqay ($ 21,000) Laabaatan iyo koow kun oo doollar.
Eedaysanaha ayaa la sheegay in la xukumi doono 24 ka bisha October ee sanadkan waxaana suurta gal ah in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.
Sirdoonka Maraykanka ee FPI-da loo yaqaan ayaa bishii August ee sannadkii hore Mr, Gufran ku qabtay dalka Sucuudiga, waxayna isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Saciid ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin malleeshiyada Al-shabaab iyo jabhadda Al-Nusra.