Dowlada Soomaaliya ayaa Safiir u Magacowday Ra”iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Maraykanka ayaa Loo Magacaabay Cumar Cabdirashiid,isagoona bedeli doona Danjirihii Hore ee halkaasi joogay.
Cumar Cabdirashiid oo xiligan ku sugan dalka Maraykanka ,ayaa lagu wadaa maanta oo Jimce ah in uu La Kulmo Xoghayah Arimaha Dibada ee dalka Maraykanka Mudane.John Kerry isagoona u Gudbin doona Waraaqaha Aqoonsiga Danjirinimo.
Sidoo Kale Warar ay hoose u Heshay Warbaahinta Raadreeb.com ayaa sheegaya in Maalinta Isniinta uu Danjire Cumar Cabdirashiid uu la Kulmi Doono Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama,isagoona sidoo kale u Gudbin doona Waraaqaha Aqoonsiga Danjirinimo.
Dhanka Kale Dowlada Maraykanka ayaa iyana dhankeeda ka sheegtay inay Safiir usoo Magacaabi doonto dalka Soomaaliya,isagoona safiirkaasi ka howlgeli doona Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya.