Dooni Ganacsato Reer Puntland ah u rarnayd ayaa Degtay iyadoona uu ka hadlay Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland.
Doontaan oo ka soo shiraacatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai una siday Shixnado Bagaash u badan Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku dagtay qeybo Biyaha dalka Yaman ka tirsan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Maamulka Puntland C/llaahi Jaamac Saalax oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in doontaan oo waday 15 tan una Rarneed Ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Maamulka Puntland, isagoona walaac ka muujiyay doonidaasi degtay ee Shixnadda u siday Ganacsatada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka badda Puntland ayaa sheegay in xiriiro ay la sameeyeen dowladda Yaman ay ku war gelisay in illaa haatan la baadi goobayo doontaasi iyo dadkii saarnaa halkey jaan iyo cirib ay dhigeen.
Source:-Raadreeb+Sanaagpost.