Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golaha ammanka oo cambaareeyey dilkii Xildhibaan Xayd.

$
0
0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay cammbaareeyey dilkii shalay magaalda Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamed Maxamud Xeyd, oo ay dilkiisa sheegteen maleeshiyaadka Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in golaha uu aad uga xun yahay in Shabaab ay bartilmaameesadeen xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka, hay’ad mataleyso rajoooyinka sharciga ah ee shacabka Soomaaliyeed ka leeyihiin in lagu gaaro dimuraadiyad, nabad, daganaansho iyo mustaqbal baraare leh.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa isku waafaqay baahida degdeg ah ee loo qabo in dadkii ka dambeeyey dilkaas fuliyey, kuwii abaabulay, kuwii maalgaliyey iyo kuwa ka mas’uulka ahba in la horkeeno caddaaladda, wuxuuna golaha ku booriyey in dalalka caalamka in ay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo ciribtiri laha argagxisada ka howl-gasha Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujiyey sida ay u doonayaan in tallaabooyin ka dhan ku soo rogaan dadka hab dhaqankooda Qatar ku yahay nabadda, daganaanshaha ama amniga  Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku nuuxnuuxsaday taageerada ay u hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha ku lug leh ka shaqeynta nabad, daganaan iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya.

Xubnaha golaha ayaa ugu dambeyn sheegay in falka lagu dilay xildhibaan Xeyd ama mid kale oo argagixiso aysan wiikhi doonin go’aanka golaha ammaanka ee garab istaagga shacabka Soomalaiyeed.

Golaha-ammaanka-300x202

 

Source:-Barkulan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369