Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamd Raage,isla Markaasina ahaa Masuulkii Deegaanada Puntland ka Sifeeyey Kooxii Burcadbadeeda ahaa ee qaatiga Caalamku ka istaagay Sanadihii lasoo dhaafay ayaa beeniyey Warar been abuur ah oo Warbaahinta Qaarkeed lagu Daabacay.
Eng.Siciid Maxamed Raage oo xiligan ku Sugan dalka India ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar lagu qorey qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed,kaas oo sheegaya in Isaga iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabweli Maxamed Cali Gaas uu kulan ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya,iyadoona Warbaahinta lagu sheegay in Wasaaradii Dekedaha Eng.Siciid Maxamed Raage dib loogu Magacaabi Doono ,Isku Shaandhayn la sheegay in Golaha Wasiirada Puntland lagu Sameyn Doono.
Eng.Siciid Maxamed Raage Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La Dagaalanka burcadbadeeda Puntland oo Warbaahinta Raadreeb.com khadka Telefoonka kula Soo Xariiray ayaa sheegay in Warkaasi uu yahay Waxba kama jiraan ,isagoona Hoosta ka xariiqay in Xiligan uusan diyaar u ahayn ka Mid Noqoshada Golaha Wasiirada Puntland ee Dr.Gaas Hogaamiyo.