Dadka dagan Caasimadda Ciraaq ee Baghdad ayaa bilaabay in ay kaydsadaan cuntada iyo biyaha iyada oo ay u muuqato in Malayshiyadka Islaamiga ah ay usii dhawaanayaan caasimada.
Dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ama ISIS, oo doonaya in ay dawlad islaami ah ka dhisaan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si kooban u qabsaday qayb ka mid ah maqaalada Bacquba, oo lixdan kiiloo mitir u jirta caasimadda intii aysan dib u celinin laamaha amaanka iyo malayshiyaad Shiico ah.
Waxaa jira warar sheegaya dil wadareed ka dhacay magaalada bacquba, in kabadan afartan maxbuus oo ku jiray xabsi la weeraray ayaa laga helay xabsiga dhexdiisa iyaga oo wada dhintay.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan sida ay u dhinten maxaabiistaasi.
Malayshiyadu waxay sheegtay in ay dawladda iyo ilaalada xabsigu ay laayeen maxaabiista kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan.
Ilo wareedyo laga helay dawladda Ciraaq waxaa ay sheegeen in maxaabiistu ay dhinteen kadib markii malayshiyadu ay duqeeyeen xabsiga.