Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Jubba oo heshiis dhismaha dekedda Kismaayo Ah Saxiixay.

$
0
0

Maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta heshiis dhanka dhismaha dekedda magaalada Kismaayo la galay Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka.

Wasiirka warfaafinta maamulka Jubba Ibramim Maxamed (Baajuun)  ayaa saxaafadda u sheegay heshiiska oo dhaqan-galkiisu billaabanayo bisha September ee sannadkan.

Ibraahim Baajuun ayaa xusay in shirkadda ay bixinayso kharashaadka ku baxayo dhismaha dekedda.

Sahriif Axmed oo ka tirsan shirkadda MSC Line ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska ay la gaareen maamulka, ayna rajeynayaan in sidi loogu talagalay uu u meel marin doono.

 ganacsato11

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles