Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxawaynaha Puntland oo Daah-Furay Mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,Booqdayna Hotel Gacayte(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali  Gaas ayaa Maanta Magaalada Boosaaso gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha kaga qaybgalay Munaasibad Balaaran oo lagu daahfurayay Mashruuca lagu dhisayo garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xafladaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Saddexda Gole ee Dowlada Puntland,Saraakil ka socday Hay’adda Qanadarasyada u qaabilsan Talyaaniga ‘’UNOPS’’,Waxgarad,Maamulka Gobolka Barri, Culimo’udiin,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Madasha ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu noqonayo garoon ay leeyihiin Soomaali oo idil.

‘’Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction  Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn,waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tansaaniya iyo Saambiya ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo’’Ayuu Markale Yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

‘’Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo’’Ayuu hadalkiisa raciyay Madaxaynaha Puntland Mudane Cabdiwali Gaas .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in lagu dhamaynayo dhisamaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso muddo dhan 10-bilood ilaa Halsano,waxana xigi doona garoomada Diyaaradeed ee Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

‘’Sanad kabacdi Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah wuu ka hirgalidoona Magaalada Boosaaso’’Ayuu Khudbadiisa ku soo xiray Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Sheegay in qalabkii lagu dhisaayo Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yaalo Dalka Jabuuti,dhawaana Boosaaso uu soo gaaryo si ay howshu u bilaabato.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa intaasi kadib booqasho rasmi ah ku tagay Hotel Casri ah oo dhawaan laga hiragalinayo Magaalada Boosaaso,kaasi oo lagu magacaabato Hotel Gacayte.

IMG_8831

IMG_8606IMG_8607IMG_8608IMG_8611IMG_8612IMG_8613IMG_8614IMG_8615IMG_8620IMG_8630IMG_8631IMG_8637IMG_8639IMG_8642IMG_8647IMG_8649IMG_8651IMG_8655IMG_8661IMG_8662IMG_8666IMG_8669IMG_8674IMG_8678IMG_8682IMG_8692IMG_8705IMG_8706IMG_8710IMG_8722IMG_8723IMG_8731IMG_8734IMG_8736IMG_8738IMG_8739IMG_8741IMG_8751IMG_8756IMG_8757IMG_8776IMG_8779IMG_8782IMG_8787IMG_8788IMG_8791IMG_8792IMG_8799IMG_8803IMG_8807IMG_8808IMG_8810IMG_8817IMG_8821IMG_8822IMG_8825IMG_8826IMG_8829IMG_8831IMG_8833IMG_8834IMG_8835IMG_8841IMG_8845IMG_8852IMG_8853IMG_8854IMG_8855IMG_8856IMG_8860IMG_8861IMG_8863IMG_8866IMG_8867IMG_8868IMG_8869IMG_8870


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369