Waxaa magaalada Qardho ee xarunta Gobolka karkaar ee maamulka Puntland,ka socda doorashooyinka lagu soo xulaayo golaha deegaan ka,taas oo la doonaayo in laga yagleelo in laga hir galiyo magaalada Qardho maamul dhameytiran.
Waxaa illaa iyo hadda isku soo Sharraxay Duqa Magaalada Qardho,Marwo Astur Jawaase Cabdi oo ah ganacsato caan ka ah Soomaaliya gaar’ahaan deegaannada Puntland.
Marwo Astur Jawaase Cabdi ayaa waxay Dugsiga Hoose iyo dhexe kaga baxday Magaalada Qardho,waxayna Dugsiga sare uga baxday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,
Astur Ayaa wixii ka danbeeyey 1991, ay ku mashquulsanyd arrimaha ganacsiga aydoo aad looqa yaqaan deegaannadda Puntland.Astur jawaase Cabdi,waxay kaloo la soo shaqaysay maamuladii Puntland soo maray,sida oo kale waxayna ka mid ahayd Ergadii Puntland ka socotay ee ansixiyey Tastuurkii DFS ee 2007 lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Jaalliyadaha dibada ee ka soo jeeda deegaannad Puntland ayaa aad u soo dhaweeyey Astur,ayagoo ku tilmaamay hormar iyo dimuqraadiyad ay cagta saartay Dowladda ee uu hadda gar-wadeen-ka ka yahay madaxwaynaha Dowladda Puntland,Prof,Cabdiweli Mohamed Cali (Gaas).
Dhanka kale Astur waxay sheegtay in ay wax ka qaban doonto hadii ay ku guulaysto xilkaas Ammaanka,Caafimaad,Wax barashada, Isboortiga iyo wax yaalaha daruuriga ayadoo wax kasta tiri” wada tashi ayaan u wajihi-doonaa,waxayna ballan qaaday in ay Dowladda iyo Bulshada reer karkaar ay sidii hore isaga soo dhawaan-doonaan.
Marwo Astur Jawaase Cabdi Ayaa waxay noqonaysaa gabadhii ugu horeeysay ee isu soo Sharraxda in ay xilkaasi qabto,tan iyo markii la aas-aasay Dowladda Puntland,iyadoo ka codsatay dhammaan in ay codkooda siiyaan Xildhibaannadda Golaha deegaanka,isla markaasna la shaqeeyaan.
Abdullaahi Mohamed Cali
Gudoomiye61@hotmail.com