Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Arrimaha dibedda oo kulan ugu qayb galay dalka Shiinaha.

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qayb galay kulanka lixaad ee waddammada carabta iyo dalka China oo lugu soo gabagabeeyey magaalada Beijing ee xarunta dalka China.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ka warbixiyey furasadaha maal gashi ee xilligan ka jira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamka ay ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso cidkasta oo doonaysa in ay maalgashato  beeraha, kaluumeysiga, warshadaha iyodalxiiska dalkeeda, ayna dammaanad qaadayso ammaankooda.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta ka qayb-gashay kulanka in dalkiisa ay ka taageeraan  arrimaha nabadgalyada, tayeynta ciidammada, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa  lagu ammaanay dadaallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dooneyso in mar kale ay Soomaaliya cagaheeda isku taagto, waxaana shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta lagu codsaday taageero dheeraad ah oo dunidu siiso Soomaaliya,  sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

sh-300x199

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles