Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa uga digtay mawaadiniinteeda weeraro ay kooxo argagixiso ah doonayaan in ay ka fuliyaan gudaha dalka Itoobiya.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay heleyso xog macquul ah oo muujinaysa halista weerarro ay Al-Shabaab la damacsan tahay in lagu qaado muwaadiniinta iyo danaha ay dowladaha reer galbeedka ku leeyihiin gudaha Itoobiya.
Safaaradda waxay sidoo kale sheegtay in dad badan oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo gudbeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu xusay in aysan heynin xog rasmi ah oo ku aaddan waqtiga la fulinayo weerarrada Al-Shabaab iyo goobaha la damacsan yahay in lala beegsado, balse waxay muwaadiniinta Mareykanka ah kula talisay in ay feejignaadaan marka ay ku sugan yihiin maqaayadaha waaweyn, baararka, hoteellada, goobaha wax lagu caabudo, suuqyada waaweyn iyo meelaha laga dukaameysto.
Al-shabaab ayaa dhowr goor oo hore ku gooddisay in ay weerarro ka fulin doonto dalka Itoobiya.