Ku dhowaad dad gaaraya afartan ayaa dhaawac kasoo gaaray dab maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Kaalintan shidaal ee dabku ka kacay ayaa ku taala bartamaha magalada sida la sheegay dabka ayaa ka dhashay Fuusto shidaal ah oo markii danbe wada saamaysay goobta iyo goobaha kale ee Ganacsiga oo ku dhow.
Gurmad ay sameeyeen dadka magalada Laascaanood ayaa markii danbe dabkan damiyay waxana lagu soo waramayaa saddex qof inuu kasoo gaaray dhaawac culus halka kuwo kalena ay dhaawacyadoodu uu fudud yahay.
Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka mgalada sida uu Saxaafada u sheegay goobjooge ku sugnaa kaalinta uu dabkan qabsday.
Inta badan waxa laga dayriyaa goobaha shidaalka lagu gado ee ku dhexyaala goobaha ay dadku ku badan yihiin kuwaasoo mararka qaarkood saamayn xoogan gaysta.