Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Kalluumaysatada Sharci darada ah ay u Aqoonsandoonaan Masiibo Qaran(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Sheegay In lagabilaabo manta (01/06/2014),Dawladda Puntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran.
Kalluumyasiga sharicdarrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay.
Iskudar, waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah.
Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii.
Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay.
Nasiibdarro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo,
Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay kuleeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas.
Haddaba:
 Markaantixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga &Kheyraadka Badda,
 Markaan soo arkay dhibaatooyinka kajira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumaysiga sharcidarrada ah,
DOWLADDA PUNTLAND
EE SOOMAALIYA
XAFIISKA
AGAASIMAHA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA IYO HIDDAHA IYO DHAQANKA
EE XAFIISKA MADAXWEYNAHA
PUNTLAND STATE OF
SOMALIA
OFFICE OF THE DIRECTOR OF
COMMUNICATION, MOBILIZATION AND CULTURE HERITAGE
OFFICE OF THE PRESIDENT
Ref: AGM/WWHDH/11/2014
Bosaso
01/06/2014
 Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka
xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka
noolaha badda,
 Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la
dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay,
 Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo
cawaaqibxumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban.
Waxaango’aamiyey:
 In lagabilaabo manta (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay
kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran”,
 In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka
kalluumasiga sharcidarrada ah,
 In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan
kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland,
 In Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka
kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan.
 In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka
kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland
Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay
gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah.
IMG_7734 IMG_7735 IMG_7740 IMG_7741 IMG_7745 IMG_7747 IMG_7748 IMG_7749 IMG_7759 IMG_7765 IMG_7775


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles